Mudaharaado Rabshado Wata Oo ka Billowday Ismaamulka Somalida Itoobiya.(Sawiro)

Bannaanbaxyo ballaaran ayaa ka billowday Qaybo ka mid ah dowlad degaanka Soomaali Galbeed, waxana lasoo sheegayaa in bannaanbaxu uu sii xogaystay kadib markii ay isku soo bexen dadweyne faarbadan oo ka qayb galaya Bannaanbaxa.

Bannaanbaxa ayaa billowday Saaka, waxaana dhigaya dadweyne careysan oo sida la sheegay ka xun dhul ballaarsi uu hormuud u yahay madaxweyne Mustaf Cagjar, waxaana Madaxweyne Cagjar uu adeegsanayaa sida la sheegay Ciidan aad u farabadan oo dhul ballaarsi xooggan ka wada degaanka.

Bannaanbaxa ayaa si gaar ah uga socda Degaanka Suufta oo la sheegay in uu ka socdo boob xooggan oo xagga dhulka ah, waxaana saaka waddooyinka waaweyn ee degaanka Suufta isugu soo baxay Boqolaal Shacab ah oo caraysan, kuwaasi oo ku qaylinaya erayo ka dhan ah Cagjar.

Qaar ka mid ah shaacbka oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin tallaabada uu Maadxweynaha dowlad degaanka Soomaali galbeed ka wado degaanka, waxaana ay sheegeen in ay siiw adi doonaan bannaanbaxa tan iyo inta uu ka waantoobayo Cagjar falalka uu ka wado degaanka.

Arintaan ayaa ah mid laga yaabo in ay dagaal sokeeya dhaliso, maaddaama sida ay sheegayaan dadka bannaanbaxa dhigaya ay tahay mid u muuqata xadgudub iyo boob lagu haayo dhul ay leeyihiin dadka degaanka, waxaana tiro dhowr jeer ah degaanka ka dhacay tallaabooyin aan wanaagsanayn kuwaas oo u muuqday in qaar ka mid ah bulshada awood loo sheeganayo.