Milatariga Suudaan Oo Markii Ugu Haraysay Qirtay Tiro ka Yar Dadkii ay ku Dileen Dibad-baxa.

Mas’uuliyiinta milataroga dalka Suudaan ayaa qirtay tiro ka yar dadkii ay ku xasuuqeen isku dayga ay ku doonayeen in lagu kala eryo mudaharaadeyaasha u doodaya dimuqraadiyadda.

Tiradaas ay qirteen milatariga ayay ku sheegeen 46 qof taasoo aad uga yar 100-kii qof ee ay dhakhaatiirta sheegeen in lagu dilay howlgalladaas ay ciidamada ammaanka fuliyeen.

Saraakiisha ayaa markii hore ka gaabsan jiray wararka ku saabsan dhimashada rayidka, iyadoo ciidamada amaanka lagu eedeynayay inay rasaas ku fureen dad aan hubeysneyn, arrintan ayaa u muuqata tallaabadii ugu horreysay ee lagu aqoonsaday xaddiga khasaaraha ka dhashay qalalaasaha.

Wadahadallo u dhaxeeyay mucaaradka iyo golaha ku meel gaarka ah ee Milatariga maamulka haya ee Sudaan ayaa burburay horaantii isbuucan.

Sikastaba ha ahaatee Madaxda mucaaradka Suudaan ayaa ku gacan seyray wada xaajood ay mar kale soo bandhigeen golaha Milatariga, iyagoo sheegay inaysan kalsooni ku qabi karin yaboohaas, maadaama uu wali socdo qalalaasaha sida qallafsan loola tacaalayo.

Leave a Reply