Milatariga Sudan Oo Xabsiga ka sii Daayay Madaxdii ay Isku Dhawaayeen Cumar Al Bashiir.

Hoggaamiyeyaasha milatariga ee afgembiga kula wareegay awoodda Suudaan ayaa xabsiga kasii daayay dad ay isku dhawaayeen madaxweynihii hore dalkaas Cumar Al Bashiir oo wali xiran.

Saraakiisha milatariga ayaa shaqada ka eryay dacwad oogaha guud ee Suudaan, markii uu ka horyimid amarka lagu sii daynayay madaxii hore ee xisbiga haya talada Suudaan iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibadda, Ibraahim Ghandour.

Xarumaha ganacsiga ee magaalada Khartoum ayaa wali xiran, tan iyo markii afgembigii dalkaasi ka dhacay toddobaadkii lasoo dhaafay, waxaan xusid mudan inay socdaan wadahadallo ay garwadeen ka tahay Qaramada Midoobey oo la doonayo in lagu soo afjaro xiisadda.