Milatariga Oo La Wareegay Guriga Musharaxa Mucaaridka Uganda Bobi Wine.

Hogaammiyaha Mucaaridka Uganda Bobi Wine ayaa sheegay in Milatariga Uganda ay la wareegeen gurigiisa kadib markii ay darbiga ka so daateen, sidana waxa uu ku sheegay qoraal kooban oo uu soo dhigay bartiisa tweeter.

“Waa lana qabsaday, Milatarigu waxa ay nooga soo daateen darbiyada, waqti xaadirkana gurayga iyaga ayaa gacanta ku haya” ayuu ku yidhi qoraalkiisa.

Hadalkan Bobi Wine ayaa waxa uu imanayaa saacado kadib markii uu cambaareeyay doorashadii Khamiistii dhacday ee uu kula loolamay Musaveni, waxana uu intan ku daray in ay talaabo kasta oo sharci oo macquul ah ay qaadayaan si ay u dacweeyaan natiijada doorashada.

Milatariga ayaa sheegay in warkaas ay wax ka jiraan balse aanay ahayn sida uu Wine ku dacwoonayo.

Bobi Wine ayaa sheegay inuu doorashada ku guulaystay waxana uu iskugu yeedhay “Madaxwayne”.

Dhinaca Kale Gudida Doorashada Uganda ayaa sheegtay in ay natiijada doorashada hogaaminayo Madaxwayne Musaveni, waxase uu Bobi Wine ku tilmaamay natiijadaas mid lagu qoslo.