Midowga Yurub Oo War kasoo Saaray Doorashadii ka Dhacday Kenya.

Midowga Yurub ayaa ka hadlay doorashada Madaxweynaha dalka Kenya ee ku guuleestay Madaxweynie kuxigeenkii hore ee Kenya William Ruto ,xilli wali natiijada doorashada diidan yahay musharaxii laga adkaay ee Ra’ila Odinga.

Qoraal kasoo baxay Midowga Yurub ayaa lagu ammaanay habka xasiloon ee doorashada ku qabsoontay, waxa ayna ugu baaqeen xubnaha tabashada qaba in nidaam sharci ah u maraan tabashada ay ka qabana natiijada doorashada ee lagu dhawaaqay.

“Dhammaan hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo bulshada, waa inay ka fogaadaan wax kasta oo rabshad kicin kara oo ay dalbadaan in la is dajiyo. Waxaa la joogaa waqtigii hoggaaminta siyaasadeed iyo mas’uuliyadda dhammaan kuwa qeybta ka ah doorashada,” ayuu yiri wakiilka sare ee Midowga Yurub, Josep Borrell.

Josep Borrell ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha la doortay ee dalka Kenya William Ruto, waxa uuna sheegay in doorashada ka dhacday Kenya muujineyso sida shacabka dalkaasi diyaar ugu yihiin dimuquraadiyada iyo ka fogaanshaha rabshadaha.

Doorashada ka dhacday dalka Kenya waxaa ku guuleestay musharax William Ruto, waxaana natiijada doorashada wali diidan Ra’isul Wasaarihii hore ee Kenya Raila Odinga oo codad yar looga adkaaday doorashada.