Midowga Musharixiinta Oo ka Aamusay Dagaalka Maalintii Saddexaad ka Socda Guriceel.

Midowga Musharixiinta Madaxweynaha ee Soomaaliya ayaan ilaa hadda ka hadalin dagaalka maalintii Saddeexaad ka socda magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud kaas oo u dhaxeeya ciidamada Galmudug oo garab ka helaya kuwa qaranka Soomaaliya iyo ciidamada daacadda u ah ururka Ahlu-Sunna.

Waxaa la is weydiinayaa sababta Golaha oo si joogta ah uga hadli jiray arrimaha Soomaaliya gaar ahaan kuwa quseeya siyaasadda iyo ammaanka ay uga hadli la’yihiin dagaalka Guriceel oo uu dhiig badan ku daatay, shacab badanna ka qixiyay guryahooda.

Hase yeeshe madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ku ku baaqay in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo joojiyo dhiillada colaadeed ee taagan.

“Waxaan ku baaqayaa in si degdeg ah oo aan shuruud lahayn loo joojiyo dhiillada colaadeed ee taagan. Dagaalku ma xalliyo khilaafaadka siyaasadda ee waxa uu abuuraa kala fogaansho hor leh.” Ayuu ku yiri qoraalkiisa.

Dhanka kale sida ay goobjoogayaal BBC-du la hadashay sheegeen xabbad goos goos ah ayaa lagu waabariistay subixii saaka ahaa.