Midowga Musharaxiinta Oo Qoraal kasoo Saaray Kulanka Golaha Wadatashiga la Yeesheen.

Midowga Musharaxiinta ayaa soo bandhigay qoraal ay soo diyaariyeen oo ku saabsan sixitaanka habraaca, hufnaanta iyo daah furnaanta doorashooyinka.

Qodobada ay soo jeediyeen Midowga Musharaxiinta waxaa ka mid ah in dib loogu laabto dhammaan kuraasta doorashadooda lagu muransan yahay, lana buriyo go’aankii ay gaareen Guddigii xalinta khilaafaadka ee dib u habeynta lagu sameeyay

Xubnaha Midowga Musharaxiinta ayaa soo jeedintan maanta hor dhigay shirka golaha wadatashiga Qaranka ee ka furmay magaalada Muqdisho.

Halkan ka Akhriso: