Midowga Musharaxiinta Oo Bayaan Adag kasoo Saaray Shir Uga Socday Muqdisho.

Midowga Musharaxiinta ayaa goor dhow soo saaray bayaan ka kooban labo bog oo ka soo baxay kulamo maalmahan uga socday magaalada Muqdisho oo looga hadlay boobka lagu hayo doorashada golaha shacabka.

Midowga Musharaxiinta ayaa ayaa caddeeyay in waxa socda aan lagu tilmaami karin doorasho oo ay tahay boob qaawan oo dalka u horseedi karta qalalaase siyaasadeed, xasillooni darro iyo Nabadgelyo la’aan.

Waxay kaloo ay caddeeyeen in mas’uuliyadda ka dhasha boobka doorashada ay qaadi doonaan Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad goboleedyada.

HALKAN HOOSE KA AKHRISO: