Maydka Nin U Dhashay Mareykanka Oo Laga Helay Hotel ku Yaal Addis Ababa

Afhayeen u hadlay booliska isku dhafka ah ee Fedraalka Itoobiya ayaa sheegay in meydka muwaadinka laga helay hotel uu ka daganaa Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Baaritaan ay sameeyeen ayeey sidoo kale ku heleen kaarar cadaynaya inuu kaga qayb galay doorasha taasoo la sheegay inuu kamid ahaa korjoogtadii ka qayb gashay doorashada

Waxay kaloo heleen mid kamida sharciyadiisa gaar ahaan sharciga wadista gawaarida ama (Driving Licence) ku suntan gobolka California ee Mareekanka.

Ma jiraan summad cadayneesa dilkiisa ama jir dil ku yaal sida ay sheegeen booliska isku dhafka balse waxay heleen dawooyin uu isticmaali jiray ninka dhintay.

hay’ada amaanka ayaa wada baaritaano dheeraad ah oo la xiriira sababta ka dambeysay dilka muwadinkan u dhashay marekanka.