Maxkamd Ku Taal Masar Oo Sii Daysay 200 Oo Qof Mudaharaadayaal ah.

Maxkamad ku taala dalka Masar ayaa siiday 200 oo qof oo dacwado lagu soo oogay halka la rumaysan yahay in boqolaal kale ay xabsiyada ku jiraan, dadkaas oo la xidhay intii ay socdeen mudaharaado naadir ah oo ka dhacay Qaahira iyo magaalooyin kale oo dalka Masar ah bishii Sebtember. Sidana waxa sheegay qareenka dadkan la sii daayay oo facebook soo dhigay qoraal.

Dadkan la sii daayay ayaa lagu soo oogay dacwado ay ka mid yihiin inay ka qayb qaateen ama dhigeen mudahaaraado aan ruqsad loo haysan iyo inay baraha bulshada u isticmaaleen faafinta warar borobugaando ah oo dhiirigalinaya argagixisannimada, sida ay sheegeen Guddiga Xuquuqul insaanka iyo Xoriyada Masar.

Xaruntan xuquul insaanku waxa kale oo ay sheegtay in 2,865 oo qof ay ku jiraan jeelasha kuwaas oo wajahaya dacwado ku saabsan mudaharaado looga soo horjeedey dawladda oo dhacay 20kii Sebtember.