Maxkamadda Ciidamada Oo Heshay Laba Qof Oo Haya Xogta Kiiska Ikraan Tahliil.

Maxkamadda Ciidamada qalabka sida ayaa la filayaa inay billowdo baaritaanka kiiska dacwadda Ikraan Tahiliil Faarax oo lagu la’yahay gacanta Hey’adda Nabadsugidda Qaranka ee NISA.

Xeer ilaalinta ayaa isku duba riday kiiska dacwadda Ikraan Tahliil, iyadoo xog la helay ay sheegeyso in xeer ilaalinta ay heshay illaa laba qof oo ka tirsan hey’adda NISA oo caddeynaya sida uu u dhacay kiiska Ikraan Tahliil.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida Col. Xasan Cali Nuur (Shuute) ayaa la filayaa inuu saacadaha soo socdo Maxkamadda uga yeerayo eedeynayaasha kiiska Ikraan Tahliil ee kala ah:

1- Agaasimaha xilka laga qaaday ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir

2- Agaasimaha uu Farmaajo magacaabay Yaasiin Farey

3- Madaxii hore ee Shaqaalaha NISA Cabdullaahi Kulane Jiis

4- Cabdiqani Diirane oo loo yaqan Wadna-qabad oo ka tirsan NISA

Haddii uu guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida Co. Shuure ku dhawaaqo u yeeritaanka madaxda hey’adda NISA, waxaa laga yaabaa inuu cirka isku sii shareero khilaafka madaxweynaha waqtiga ka dhacay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’isulwasaaraha xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble oo uu hadda u socdo kulan lagu dhex-dhexaadinayo.