Maxkamada Sare Ee Somaliland Oo soo Gaba-gabaysay Dhagaysiga Dacwadaha Musharixiinta.

Maxkamada sare ee Somaliland, ayaa maanta dhagaysatay dacwadaha 8 musharax isla markana soo gaba-gabaysay dhagaysiga.

Fadhiga maxkamada oo u furnaa dhagaysiga dadwaynaha ayaa maanta si rasmi ah usoo afmeertay dhagaysiga dacwadaha musharixiinta.

Kormeerayaashi caalamiga ahaa iyo kuwii maxaliga aha ee doorashada kormeerayay ayaa iyaguna kasoo qayb galay dhagaysiga sida maxkamadu sheegtay.

Sikastaba ha noqotee Maxkamada ayaa heegtay in go’aan dag dag ah ayaa laga soo saari doona dacwadaha.