Maxkamada Sare Ee Kenya Oo Laashay Nidaamka Diiwaangalinta Hida-sidaha (DNA) Dadka.

Maxkamadda Sare ee Kenya ayaa joojisay hirgalinta nidaam cusub oo diiwaangalin ah oo ay dawladu doonayso in dalkaas laga hirgaliyo, nidaamkaas oo lagu diiwaan galinayo hido-sidayaasha dadka, waxana ay maxkamadu sheegtay in nidaamkani aanu hirgali Karin ilaa inta laga dhaqan-galayo sharciyada ilaalinta macluumaadka gaar ah.

Maxkamaddu waxay sidoo kale caddeysay ururinta xogta qofka ee loo isticmaalayo adeega GPS iyo xogta hida-sidaha ee loo yaqaan DNA-da ay yihiin kuwo ka hor imanaya dastuurka.

Dawladda Kenya waxay damacsanayd inay hirgaliso nidaamkan diiwaangalinta ah oo lagu ururinayo xogta shakhsiga ee xasaasiga ah oo ay kujiraan faraha, faahfaahinta qoyska iyo xitaa faahfaahinta goobta uu ku sugan yahay, oo qasab ah in qofkasta uu sheego waqtiga la siiwaangalinayo.

Dowladdu waxay ku adkaysatay diiwaangelinta inay tahay mid muhiim ah khasabna ah, iyadoo sheegtay in muwaadiniintu aysan xaq u yeelan doonin adeegyada ay bixiso dawladu hadii ay is diiwaangalin waayan, adeegyadaas oo ay ku jiraan baasaboorada iyo shahaadooyinka dhalashada.

Dhammaan xogta xasaasiga ah ayaa xukuumada waxa ka xigta inay ogaato inay tuujiso hal batan oo kaliya.