Maxkamada Kenya Oo Dib U Dhigtay Xukunka Raggii ku Eedeysnaa Weerarka Jaamacada Gaarisa.

Maxkamada kenya ayaa dib loo dhigay xukunka afartii nin oo ku eedeysnaa weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa sannadkii 2015kii, halkaas oo lagu dilay 150 ruux.

Rashid Mberesero, Sahal Diriy Xuseen, Xasan Edin Xasan iyo Muxamed Cabdi Abikar ayaa si kooban uga soo muuqday maxkmadda ku taalla magaalada caasimadda ah ee Nairobi, balse garsoorihii ayaa sheegay in uusan wali gunaanadin xukunkiisa, islamarkaana xukunka raggan la ridi doono 18 bisha Juunyo

Sikastba ha ahaatee Ragan eedeysanayaasha ah ayaa wajahayaan 152 dacwadood oo la xiriira weerarkii Jaamacadda Gaarisa ee dhacay bishii Abriil ee sannadkii 2015kii, eedaymahaasna waxaa ka mid ah in ay xubno ka yihiin urur argagixiso.

Leave a Reply