Maxkamada Jabuuti Oo Xakun Adag ku Riday Duuliye Fu’aad Yuusuf Oo Mudo Xirnaa.

Maxkamad ku taalla dalka Jabuuti ayaa 10 sano oo xabsi ah iyo ganaax lacageed oo gaaraya 12,000 oo doollar ku ridday duuliye Fu’aad Yuusuf Cali oo ka tirsanaa ciidanka dalkaas, taasoo ka careysiisay qoyska Fu’aad.

Fu’aad, oo ahaa duuliye ciidan, muddo 10 sano ahna ciidanka Jabuuti ka tirsanaa ayaa u cararay Itoobiya 27-kii bishii Maarso ee sanadkii hore, ka dib markii uu dhalleeceeyay “cadaalad darrada ka dhex jirta militariga dalkaas,” sida ay qortay warbaahinta RFI oo isaga soo xigatay.

Dawladda Jabuuti ayaa markii dambe soo saartay amar ah in la soo xiro Yuusuf oo Itoobiya ku sugnaa laguna soo wareejiyo.

Horraantii bishii April ee sanadkii hore, xilli uu isu diyaarinayay inuu gudbisto codsi megengelyo ayaa duuliyaha lagu xiray Addis Ababa. ka dibna waxaa bilowday olole dhanka online-ka ah oo lagu dalbanayay in xorriyadiisa loo soo celiyo, hase yeeshee dowladda Itoobiya wax jawaab ah kama aysan bixin.

Qoyska Fu’aad oo ka falceliyay xukunkaasi ayaa sheegay in habka xukunaasi u dhacay uu ahaa cadaallad darro.

Xaaska duuliyaha, Timiro Jaamac ayaa BBC-da u sheegtay in xukunkaasi iyo ganaax lacageed oo seygeeda lagu riday uu yahay mid u dhacay “qaab aan caddaallad ku saleysan”, waxayna intaas raacisay in qoyska aan loo oggoleyn inay arkaan Fu’aad.

“Isniintii ayuu dhacay xukunka, si caddaalad darro ah, si xeerka iyo xuquuqda aysan dhigeyn ayaa loo xukamay Fu’aad, 9-kii subaxnimo ayaa maxkamada Jabuuti nalagu xareeyay, 11-ka habeennimo ayaana la xukumay Fu’aad”, ayay tiri Timiro.

“Caddaalad darrada aan tirsaneyno waxay tahay in qofkii oo dembigii loo heystay lagu waayay oo haddana xukun qaldan lagu riday,” ayay intaas raacisay Timiro.

Waxay sheegtay in maxkamaddu ay diidday in xukunkaasi racfaan laga qaato. Waxay intaas raacisay in dowladda Jabuuti ay ka codsaneyso inay u oggolaato dibadbax nabadeed.

“Xaalkiisa caafimaad wuu daran yahay, waxaana iigu war dambeysay maalintii la xukumay, dowladdu nooma oggola inaan aragno oo xaalkiisa ka warqabno.” Ayay tiri xaaska duuliye Fu’aad.