ICJ Oo ka Hadashay Go’aanka Bari Lagu Dhawaaqayo Ee Xukunka Badda Ee Somaliya iyo Kenya

Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee ICJ, ayaa war ka soo saartay qaabka ay maalinta berri ah ugu dhawaaqeyso xukunkeeda ku aaddan, muranka xuduudda badda ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Maxkamadda ayaa qoraal ay barta Twitter-ka soo dhigtay waxay ku sheegtay in muddada loo qabtay dhegeysiga dacwadda ee berri aysan waxba iska beddelin.

Qoraalka Maxkamada ayaa lagu sheegay ku dhawaaqida xukunka kiiska dacwadda Badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya toos looga daawan doono bogga UNwebTV saacaddu marka ay tahay 3:00 galabnimo ee geeska Afrika.

Kenya ayaa sheeganaysa lahaanshaha Dhul badeed ay Somalia leedahay oo cabirkliisu gaarayo 160,000 kun oo kilomitar, oo ah saddex geesood isku-wareeg ah oo ku yaal Badweynta Hindiya, halkaasoo loo malaynayo inay ceegaagaan gaas iyo shidaal.