Maxbuus Caddaan ah Oo Maxkamada ka Hor-qirtay Dilka 10 Qof Oo Madow ah.(Sawirro)

Nin hubaysan oo caddaan ah oo xasuuqay 10 qof oo madow ah oo wax ka iibsanayay iyo shaqaale ka shaqaynayay dukaan weyn oo ku yaalla magaalada Buffalo ee dalka Mareykanka ayaa qirtay dambiga lagu soo oogay oo ah dil iyo naceyb, isagoo noloshiisa inta ka hartay xabsiga ku qaadan doono sida ay ku xukuntay Maxkamada.

Payton Gendron, oo 19 jir ah, ayaa dacwadda ka soo galay Isniintii maxkamad ku taal meel qiyaastii laba mayl u jirta dukaanka raashinka halkaasoo uu u adeegsaday qori yar iyo hub kale si uu u fuliyo weerar cunsuriyad ah.

Waxa uu qirtay dhammaan eedeymaha lagu soo oogay xeerbeegtida guud, oo ay ku jiraan dil, dambi nacayb ah iyo argagixisanimo,. Gendron ayaa sidoo kale qirtay dambiga ah inuu dhaawacay saddex qof oo ka badbaaday weerarkii bishii May.

Ehelada dhow ee dhibanayaasha ayaa goob joog ka ahaa dhegeysiga dacwada sidoo kale duqa Magaalada Buffalo Byron Brown iyo taliyaha booliska ayaa sidoo kale ku sugnaa maxkamada. Qaar badan oo ka mid ah qaraabada ayaa u muuqday kuwo ooyaya,. Garsooraha ayaa ku baaqay in la dejiyo markii ay dacwaddu bilaabatay. “Waan fahansanahay in tani ay tahay dhacdo qiiro leh oo muhim ah,” ayay tiri xaakim Susan Eagan.

“Cadaalad degdeg ah,” waa sida uu xeer ilaaliyaha degmada Erie John Flynn ku tilmaamay natiijada, isagoo xusay in ay tahay markii ugu horreysay oo qof ku nool gobolka New York lagu xukumo dambiga nacaybka ku salaysan ee argagixisada.

Flynn waxa uu sheegay in dambiyada lagu caddeeyey si aan shaki lahayn iyada oo loo marayo muuqaal iyo kamarad soo saartay sawirro uu si toos ah u muujinaya intii ay toogashadu socotay, iyo sidoo kale qoraallo iyo hadallo isaga u gaar ah, ayuu yidhi Flynn

Maalmo uun kadib weerarkii Gendron ee Buffalo, nin hubaysan ayaa 19 caruur ah iyo laba macalin ku dilay iskuul ku yaala Uvalde, Texas.

(Visited 6 times, 1 visits today)