Maxay Hooyada Dhashay Ikraan Tahliil ka Tiri Guddiga Uu Farmaajo Magacaabay?

Maamo Qaali Maxamuud Guhaad oo ah Ikraan Tahliil hooyadeed ayaa si cad uga soo horjeesatay guddiga uu Madaxweyne Farmaajo u magacaabay Baaritaanka kiiska gabadheeda.

Iyadoo la hadleysay warbaahinta gudaha ayey sheegtay in Guddiga uu Magacaabay Farmaajo la doonayo in marin habaabiyo kiiska gabadheeda.

“Guddigan waa qiyaamo Farmaajo damacsan yahay in eedeymaha looga leexiyo shaqsiyaadka dilay gabadheyda, kumana kalsoonaan karno, dadkii dilayna Ikraana cadaalad kama sugeyno” ayey tiri Ikraan Tahliil hooyadeed.

Waxay intaas ku dartay in Madaxweyne Farmaajo uusan dhex dhexaad ka aheyn kiiska gabadheeda ayna horey u cadaadatay inuu is hortaag ku sameeyey baaritaanka kiiska gabadheeda sidaas awgeedna aysan ka fileynin inuu u cadaalad falo.

“Farmaajo shaqsiyaadka dilay gabadheyda ee kala ah Fahad Yaasiin iyo Yaasiin Farey ayuu difaacay, xilal sarena u magacaabay, Guddigana waa talaabo kale oo uu doonayo inuu kiiska dariiqa saxda ah uga leexiyo, taasna nama mareyso” ayey tiri Maamo Maamo Qaali Maxamuud Guhaad oo ugu baaqday Farmaajo inuu faraha kala baxo arrimaha gabadheeda, iyadoo sheegtay iney ku kalsoon tahay RW Rooble iyo heyadaha cadaalada dalka oo dacwadeeda ay horey ugu gudbisay.