Markab Xamuul Oo ku Quusay Xeebaha Soomaaliya

Markabka qaada Xamuulka ayaa saaka ku dagey Badwaynta Hindiya gaar ahaan meel u dhow Xeebaha Bari ee Soomaaliya, sida lagu sheegay war kooban oo ka soo baxay Shirkadda ka shaqeysa ururinta xogta Maraakiibta isaga gooshta badaha Caalamka.

Markabka ku degay xeebaha Soomaaliya ayaa saarnaa Shaqaale gaaraya 12 ruux, mana jiro ilaa hadda gurmad la ogyahay oo gaaray.

Sidoo kale, ma jirto ilaa hadda faah-faahin laga helayo dhacdan qabsatay Markabka laga leeyahay Shiinaha iyo sidoo kale, Xaaladda Shaqaalaha la socdayaku sugan yihiin

Dhinaca kale, Markabka kale ee shidaalka qaada HAFNIA BEIJING ayaa hakiyay safar uu ka soo bixi lahaa dalka Turkiga, isaga oo ku sii jeeda magalaada Cape Town ee dalka Koofur Afrika.

Saacadihii la soo dhaafay roob wata dabeylo xooggan ayaa ka da’ay qeybo kamid ah Xeebaha Soomaaliya iyo barriga dalkaba, kuwaasoo laga yaabo in ay jihada ka lumiyeen Markabka ku quusay Xeebaha Bari.

Hay’addaha iyo Shirkadaha ka shaqeeya Ammaanka Xeebaha ayaa soo bixinaya digniino ku aadan in ay jirto khatar dhinaca cimilada maadaama ay da’ayaan roobab ka jira xeebaha geeska Afrika.

(Visited 4 times, 1 visits today)