Mareykanka Oo War kasoo Saaray Warar Sheegaya In Xasan Sheekh Laga Marti Qaaday Washington

Dowladda Mareykanka ayaa war kasoo saartay warar maalmihii ugu denbaysay la isla dhex marayay oo ku saabsanaa in Madaxweynaha cusub ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud lagu marti qaaday booqasho uu ku tago Mareykanka.

Bayaan lasoo dhigay bogga Twitter-ka ee Safaaradda uu Mareykanku ku leeyahay magaalada Muqdisho ayaa lagu yiri: “Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho waxay caddaynaysaa in xilligan aysan jirin casuumaad rasmi ah oo Mareykanku uu u soo diray Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, si uu u booqdo Washington, DC. Dowladda Mareykanku waxay ka war qabtaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu aad ugu mashquulsan yahay dhismaha dowladdiisa.”