Mareykanka Oo Shaki Galiyay Kalsoonida Lagu Qabi Karo Doorasho ka Dhacda Itoobiya

Dowladda Mareykanka ayaa shaki ka muujisay suurtagalnimada in ay Itoobiya ka dhacdo doorasho lagu kalsonaan karo.

War ka soo baxay wasaarada arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa walaac looga muujiyay xaaladda dalka Itoobiya ka hor doorashada lagu wado in ay ka dhacdo bishan aanu ku guda jirno.

Warka wasaarada ayaa lagu sheegay in xasaradaha qowmiyadaha ku saleysan ee xilgan dalkaasi ka taagan iyo xariga sabab la’aanta ah ay shaki galinayso kalsoonida doorashada lagu qabi karo.

Xukuumadda Washington ayaa intaa ku dartay in xariga loo gaysto shaqsiyaadka ka tirsan mucaaradka iyo dhibaataynta warbaahinta madaxa banaan ay caqabad ku tahay in dalkaasi ay ka dhacdo doorasho xaq iyo xor ah.

Ned Price oo ah afhayeenka wasaarada arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in kala qeybsanaanta gobolada iyo qowmiyadaha dallkaasi ay halis ku tahay midnimada dalka Itoobiya.

Mareykanka ayaa horey ugu hanjabay in uu xayiraad dhanka safarada ah ku soo rogi doono madax ka tirsan dowladda Itoobiya.

Rai’sul wasaare, Abiy Axmed, ayaa doonaya in mar labaad uu noqdo rai’sul wasaaraha dalkaasi, xili ay Doorashooyiinka Itoobiya ay dhowr jeer dib loo dhigay taasi oo ay shaki badan ka muujiyeen mucaaradka.

Doorashooyinkan ayaa dhacaya iyada ay wali xasilooni daro ka jirto gobolka waqooyiga dalkaasi ku yaalla ee Tigrey.

(Visited 1 times, 1 visits today)