Mareykanka Oo Shaaciyay Magaca Hogaamiye Sare Oo Uu Al Shabaab Ugu Dilay Duqayn.

Dowlada Mareykanka ayaa shaacisay in duqeyn diyaaradahooda dagaalka ka fuliyeen deegaan katirsan gobolka Baay lagu dilay Hogaamiye sare oo katirsan dagaalyahanada Al Shabaab.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa shaaciyay in duqayn ay 2-dii bishan April ka gaysteen degaanka Bush Madina ee Gobolka Bay lagu dilay sarkaal sare oo ka tirsan maleshiyada Al-Shabaab.

War saxaafadeed kasoo baxay taliska Africom ayaa lagu sheegay in hogaamiyaha la dilay lagu magacaabi jiray Yuusuf Jiis, waxa ayna ninkan tilmaameen inuu ka mid ahaa aasaasyaasha Al Shabaab, isla markaana ahaa nin arxan daran sida ay tilmaameen.

“Shaqsigan wuxuu ahaa hogaamiye muhiim ah u ahaa argagixsada Al-Shabaab. Wuxuu ahaa nin rabsho badan, arxan darran, kana mas’uul ah dhimashada dad badan oo aan waxba galabsan. Dilkiisa wuxuu Soomaaliya iyo dalalka deriska ah ka dhigayaa kuwa sidii hore ka amni roon,” waxaa sidaas yiri taliyaha AFRICOM Gen. Stephen Townsend.

Diyaaradaha dagaalka Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha ay ka fuliyaan gudaha Soomaaliya, waxaana duqeymahan qaarkood lagu dilay saraakiil sar sare oo katirsan Al Shabaab .