Mareykanka Oo Iskaashi Amni la Yeelanaya Somaliland

Guddiga Addeega Hubka Aqalka Wakiilada Maraykanka, ayaa waaxda difaaca u soojeedisay in la amba qaado xiriir amni oo Somaliland iyo Maraykanku yeeshaan.

Guddiga ayaa soo jeediyay in dowlada Maraykanka Somaliland la kaashato sugida amniga gobolka Geeska Afrika, isla markaana ay iskaashi kala yeelato iswaydaarsiga xogta sirdoonka, dhoolatusyo wadajira oo ay sameeyaan labada ciidan, howlgalada badaha oo ay wada fuliyaan iyo tababaro lasiiyo ciidanka Somaliland.

Xukuumada Somaliland ayaa bogaadisay talaabada ay guddida adeegyada hubku qaaday, iyadoo qoraal kasoo baxay xafiiska Somaliland ee Washington, ay xukuumada Somaliland ugu sacabo tuntay talaabadan.

“Somaliland waxay bogaadinaysa talaabada ay qaadeen Guddiga Adeega Hubka ee Wakiilada Maraykanka, si ay u horumariso iskaashi amaan oo xooga oo dhexmara Somaliland iyo Maraykanka” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Somaliland ee Washington.

Xiriirka Somaliland iyo Maraykanka ayaa u muuqda mid u socda xaga wadajirka tan iyo markii bishii March uu madaxweyne Biixi safar ku tagay Washington, safarkaasi oo Maraykanka kaga doonayay iskaashi iyo saxiibtinimo.

(Visited 6 times, 1 visits today)