Maraykanka Oo Qaybiyay 2 Tirilliyan Oo Loogu Talo-galay Gurmadka Deg-dega ah.

Aqalka Wakiilada Maraykanka ayaa ansixiyay miisaaniyad dhan 2 Tirilliyan oo loogu talo galay gurmadka degdega ah ee xaalada uu dalkaasi ku jiro ee la dagaalanka Corona iyo wax ka qabashada dadka uu saameeyay ilaa hada.

Lacagtan ayaa loo qorsheeyay sidan:

$ 500bn oo loogu talagalay Waaxda Maaliyada ee dalkaas, si loo amaahiyo laguna taageero shirkadaha waawayn ee Mareykanka, oo ay ku jiraan shirkadaha diyaaradaha, iyo kuwa adeega bulshada bixiya.

$ 350bn oo loo qorsheeyay in lagu kabo ganacsiyada yaryar.

$ 100bn oo loogu talagalay isbitaalada, kalkaaliyayaasha caafimaadka iyo dhakhaatiirta la dagaallamaya cudurka dillaacay

$ 150bn oo loogu talagay dowladaha gobolka iyo dowladaha hoose ee magaalooyinka

$ 300bn oo si toos ah loo siinayo dadka Mareykanka ah oo dhan illaa $ 1,200 qofkii weyn iyo $ 500 oo doolar oo caruurta ah muddo saddex toddobaad gudahood ah.

$ 250bn ee loo qorsheeyay in la siiyo waaxda diiwaangalinta shaqo la’aanta, taas oo $ 600 usbuuciiba la siinayo shaqsiyaadka shaqaalaha ah ee shaqada uga fadhiistay coronavirus iyo sidoo kale dadka ka shaqeeya aalada internata iyo qandaraaslayaasha madax-bannaan