Maraykanka Oo Iska Difaacay Eedo Uga Yimid Kenya Oo ka Dhan ah Al-shabaab.

Danjiraha Maraykanka u fadhiya dalka Kenya Kyle McCarter ayaa dowladiisa ka difaacay eedeyn uu afhayeenka baarlamaanka Kenya Justine Muturi u eediyay dowlada Maraykanka.

Afhayeenka ayaa Maraykanka ku eedeeyay inay hortaagan yihiin in ururka alshabaab loo aqoonsaddo urur argagaxiso caalami ah.

Danjire McCarter ayaa sheegay aysan Marakanku diidin goaankaasi balse ay dowladiisu taageersan tahay qaraarka ka soo baxay Qaramada Midoobay ee tirsigiisu yahay No 751 oo ka dhigaya Alshabaab koox argagaxiso.

“Su’aal kama taagna in Maraykanku uu Alshabaab u yaqaan urur argagixiso waxana uu sameynayaa wax walba oo qaraarkaa la xiriira.”ayuu yiri McCarter.

Sidoo kale Danjiraha Maraykanka ayaa xaqiijiyay in dowladiisu aysan raali ka ahayn codsiga Kenya ee ah in la joojiyo dhammaan taageerada bani’aadanimo ee la siinayo dalka Soomaaliya.

“Arrintan waa mid loo baahan yahay in la cadeeyo maanta,codsiga dowlada Kenya ee ah dhaqangelinta qaraarka 1267 oo ay ku jirto in la joojiyo dhammaan daryeelka bani’aadanimo ee la siinayo Soomaaliya.”ayuu sii raaciyay danjiraha Maraykanka ee dalka Kenya.

Dowlada Kenya ayaa ku guuldareysatay in ururka Al-Shabaab loo aqoonsado urur caalami ah oo argagaxiso,dowlada Maraykanka iyo dowlada Soomaaliya ayaa ka soo horjeestey mowqifka Kenya iyadoo loo arkay in Kenya ay dooneyso in la burburiyo dhaqaalaha dalka Soomaaliya.