Magaaladii Wuhan Ee Uu ka Bilowday Corona-virus Oo Xayiraada Laga Qaaday.

Dalka Shiinaha, Magaalada Wuhan ee uu ka soo bilaawday cudurka Coronavirus ayaa muddo laba bilood kaddib maanta qayb ahaan dib loo furay.

Sawirro muujinaya rakaab tira badan oo alaabo wata oo maanta ka soo degaya tareennada ayaa si weyn warbaahinta dalkaasi uga socdo.

Waxayna wararku sheegayaan in shacabka loo oggolaaday iney soo galaan balse waxaan loo oggoleyn bixitaan.

Magaalada Wuhan oo ah caasimadda gobolka Hubei waxaa laga helay in ka badan 50,000 oo kiis. Waxaana cudurka magaaladsaasi ugu dhintay dad ka badan 3,000 oo qof.

Hase yeeshee, tirada dadka cusub ee cudurka qaadaya iyo kuwa u dhimanaya ayaa marba marka ka dambeysay hoos u soo dhaceysay.