Madaxweyne Deni Oo Taliyeyaal Ciidan U Magacaabay Gobolada Nugaal iyo Sanaag.

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-79 Oktoobar 2019 ku magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay:- Dastuurka Puntland

Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo

1.Waxaa G/Dhexe Muumin Cabdi Shire loo magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Dhinaca kale Madaxweyne Saciid Deni ayaa Magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Sanaag.

G/Dhexe Bashiir Cali Maxamed ayaa loo magacaabay inuu noqodo Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Sanaag

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.