Madaxweyne Dani Oo Dowladda Farmaajo Ugu Baaqay Inay Dhex ka Noqoto Doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland.

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa dowladda federaalka ka dalbaday inay dhex dhexaad ka noqoto doorashooyinka ka dhacaya dowlad-gobolleedka Galmudug iyo Jubbaland.

Waxaa kalo uu ugu baaqay Galmudug iyo Jubbaland oo ay doorashooyinka ka dhacayaan inay wax ka bartaan Puntland oo tartan xalaal iyo xor ah uu ka dhaco.

“Waxaan aad uga rajeynayaa dowladda Federaalka inay dhex dhexaad ka noqoto doorashooyinka Galmudug iyo Jubbaland oo aanay ka raacin magacii xumaa oo meel kale ka raacay.” ayuu yiri Saciid Deni.

Madaxweynaha Puntland, wuxuu hadalkan ka sheegay munaasabadda xuska 1-da Luulyo ee xalay lagu qabtay magaalada Garoowe, wuxuuna caddeeyay inay Puntland diyaar ula tahay dowlad-gobolleedyada kale wixii khidbrad iyo taageero ah.

Dedaalada u dambeeyay ayaa ka socda Galmudug, oo la filayo dhowaan inay doorasho ka dhacdo, waxaana deegaannada muddo toddobaad ah ku sugan ra’iisul wasaaraha xukuumadda, Xasan Cali Khayre oo wada-hadallo la yeeshay madaxweynaha Galmudug iyo madaxa xukuumadda oo ogalaaday doorashada.

Leave a Reply