Madaxweyne Cagjar Oo Maanta Magacaabis Cusub Sameeyay.

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar ayaa maanta sameeyay magacaabis cusub oo ku aadan dhinacyada laamaha amniga iyo qaar kamid ah maamul magaalooyinka degaanka Soomaalida.

Madaxwaynaha ayaa Madaxa Xafiiska Maleeshiyadda dowlad degaanka Soomaalida u magacaabey Xirsi Maxamed Dool, horey waxaa xilkan usoo hayay Cabdulaahi Qaasim Cabdi.

Sidoo kale maamul magaalooyinka la magacaabey waxaa kamid ah Jigjiga oo loo magacaabey Siyaad Cabdilaahi Axmed oo horey uga soo shaqeeyay Xafiiska Biyaha degaanka Soomaalida, horey waxaa duqa magaalada Jigjiga u ahaa Cabdifataax Ibraahim.

Maamul magaalooyinka Dhagaxbuur iyo Tog-wajaale ayuu sidoo kale Madaxweyne Mustafe cagjar umagacaabey maamul cusub.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale Taliyaha guud ee Booliska dowlad degaanka Soomaalida u magacaabey Maxamed Xasan Axmed oo horey xilal kala duwan uga soo maray isla gudaha Booliska degaanka Soomaalida, marna soo ahaa Sirdoonka degaanka Soomaalida.

Halka ku xigeen looga dhigay Sareeye Gaas Sakariye Cabdi Khaliif, oo isaguna horey u ahaa Taliye ku xigeenkii Liyuu Booliska ee dhawaan xilka laga qaaday iyo Xasan Moogow Maxamed, Xarunta Booliska dowlad degaanka Soomaalida ayaa leh labo taliye ku xigeen.

Magacaabistan uu maanta sameeyay Madaxweyne Mustafe cagjar ayaa kusoo hagaagaysa xilli dhawaan uu Madaxweynuhu shaaciyay in isbaddel lagu samayn doono qaybaha kala duwan ee hay’adaha amniga dowlad degaanka Soomaalida.

(Visited 2 times, 1 visits today)