Madaxweyne Biixi Oo Kulan la Qaatay Wafti ka Socda Maraykanka.(Sawiro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu qasriga madaxtooyada ku qaabiley wefti ballaadhan oo ka socda dalka Maraykanka oo isugu jira diblamaasiyiin, saraakiil ciidan iyo Akaadamiga Heritage Foundation oo safar shaqo maalmihii u danbeeyey ku joogay Jamhuuriyadda Somaliland.

Muuse Biixi, ayaa wafdiga uga warbixiyay xaaladda guud ee Somaliland, iyadoo sidoo kale diiradda lagu saarey xiriirka ka dhaxeeya Somaliland iyo Mareykanka.

Lama oga wafdiga iyo Madaxweyne Muuse Biixi waxyaabaha ay ka wada hadleen iney kamid yihiin shaqaaqadii u danbeysay ee ka dhacday Somaliland.

Waxaa ka taagan Somaliland is mari waa la xiriira dhanka doorashada madaxtinimada.

Maalmo kahor, ayey aheyd markii ay isku dhaceen ciidanka booliiska, iyo taageerayaasha ururada mucaaradka, taasoo ay ka dhalatey dhaawac iyo dhimasho.

Madaxweyne Muuse Biixi, ayaa uga mahadnaqay xubnaha wafdiga safarka shaqo ee ay ku yimaadeen Somaliland.

Wafdigan ayaa isugu jira diblamaasiyiin, saraakiil ciidan iyo Akaadamiga Heritage Foundation, oo safar shaqo maalmihii u danbeeyey ku joogay Somaliland