Madaxweyne Biixi Oo Cafis U Fidiyay Maxaabiista Danbiyada Fudud.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa wareegto madaxweyne cafis ugu fidiyay 279 maxbuus oo ah maxabiista danbiyada fudud galay farxada munaasibada Ciidal Odxada awgeed.

Wareegtada uu madaxweynuhu cafiska ku fidiyay ayaa lagu yidhi “cafiskani wax saamayn ah kuma laha xuquuqda madaniga ah iyo raaadka ciqaabeed ee ka dhalanaya danbiyada ay ku xukunnaayeen, sida ku xusan qodobka 92aad ee xeerka ciqaabta guud”.

Halkan ka Akhriso: