Madaxweynaha Somaliland Oo Markii Ugu Horreysay la Kulmay Cali Khaliif Galaydh.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ugu horreeysay kulan la qaatay Madaxweynihii hore ee Maamulka Khaatumo Prof Cali Khaliif Galaydh.

Kulanka dhexmaray Madaxweyne Muuse Biixi iyo Cali Khaliif ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan, sida ay ilo-wareedyo xog-ogaal ah u xaqiijiyeen warbaahinta madaxabanaan.

Cali Khaliif oo ahaa Madaxweynihii hore ee Khaatum ayaa waxaa uu sanadkii 2017-kii heshiis ka kooban dhowr qodobo la saxiixday Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Lama oga u jeedada kulankan iyo waxa ka soo baxay, balse waxa ay wararku sheegayaan in kulankan diirada lagu saaray sidii loo fulin lahaa Heshiisyadii ilaa lix qodob ka koobnaa ee uu Cali Khaliif la galay madaxwayne Siilaanyo oo waqtigiiisu dhamaaday, waxaana xukuumada Biixi laga sugayay fulinta heshiisyada, kuwaasoo ay ugu muhiimsanayd in Dastuurka Somaliland la furo si loo sugo awood qaybsi ku dhisan cadaaladda iyo sinaanta.

Sidoo kale qobobada ay ku heshiiyeen Somaliland iyo Cali Khaliif ayaa waxaa kamid ahaa in laga shaqeeyo sidii hay’adaha Qaramada Midoobay iyo kuwa caalamiga ah uga hawl-gali lahaayeen deegaannada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle.

Waa kulankii ugu horreeyay ee Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu la qaato Madaxweynihii hore ee Khaatumo Cali Khaliif Galaydh tan iyo markii loo doortay xilka Somaliland, wuxuuna Cali ku sugnaa muddooyinkii dambe Magaalada Hargeysa.