Madaxweynaha Rwanda Oo Ku Taliyay In Koonfur Afrika Laga Saaro Midawga Afrika.

Madaxweynaha dalka Rwanda President Paul Kagame, ayaa isbar-bar-dhig ku sameeyay heerka soo dhaweynta dalkiisu u samaynayo dadka Afrikaanka ah ee laga soo daad-guraynayo dalka Liibiya, kuwaasoo mudo ku xayirnaa colaadaha ka taagan dalkaasi, iyo sida dadka ajnabiga ah loogu cunsuriyadaynayo Koonfur Afrika.

Madaxweynaha dalka Rwanda ayaa soo jeediyey in dalkii Nelson Mandela ay xiligan lagama maarmaan noqotay in laga saaro dhamaan qaybaha ururka Midawga Afrika.

“Soo jeedintan waxa hogaaminaya oo adkeynaya mas’uuliyiinta Koonfur Afrika ee leh cunsuriyadda,” ayuu yidhi Mr. Kagame. Waxaanu intaasi ku daray in Dhibaatadan ay ka muuqato farriinta Madaxweyne Ramaphoza ee ah in dhiggiisu ay ka caga jiidayaan inay aqbalaan natiijada.

“Markaan maqlo hadalka dhigaysa Ramaphoza wuxuu yidhi diiwaan gelinta weeraradan ugu dambeeyay waxa ku dhintay 10 qof, oo mid kaliya uu yahay ajnabi, waa arin aan la aqbali karin hadalkiisa, markaa waxaan qabaa inay tahay inaan si ku meel gaadh ah aynu uga saarno dhamaan unugyada Midowga Afrika iyo ururada kale ee urur hoosaadka ah, sidaa darteed way fahmi kartaa in Qaaradda Afrika loogu yeedhay qarnigan 21aad inay midoobaan oo aan la arki karin iyada oo laga hor imanayo caqabadaha horyaal ee dunida ka jira,”ayuu Paul Kagame u sheegay saxaafadda Rwanda.

Sikastaba ha ahaatee hadalkan ka soo yeedhay Madaxweyne Paul Kagame waxa uu kor u qaaday oo uu cod dheer ku sheegay ficilada guracan ee cunsuriyada ku salaysan ee ka socda Koonfur Afrika.