Madaxweynaha Puntland Oo ka Jawaabay Cabasho kasoo Yeertay Arday Waxbarasho Loogu Diray Jigjiga.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka jawaabey Cabasho kasoo yeertay arday waxbarasho loogu qaadey Magaalada Jigjiga ee Xarunta Dowald deegaanka Soomaalida,kuwaas oo cabashadooda lagu faafiyey Baraha Bulshada.

Ardaydaas ayaa waxaa ay sheegayeen in Puntland ay Waxbarasho Jaamacadeed ugu dirtey Jigjiga,kadib markii ay deeq Waxbarasho ka heleen Itoobiya,hayeeshee ay la kulmeen Goobo lagu barto Toliska Dharka iyo waxyaabo kale,isla markaana taasi aysan filaneyn.

“Maalin dhaweyd 70 arday oo xirfado baranaya ayaa dowlad-deegaanku nagu caawiyey, waxaa lay tusay muuqaal laga soo duubay oo ay diiddeen;mid baa soo noqday wuxuu yir, anigu Tumaal ma noqon karo; ma wuxuu rabaa in uu fadhi ku dirir noqdo, annagu waxa aan dhiirigelinaynaa waa waxsoo saarka iyo farsamada” Ayuu yiri” Madaxweyne Deni.

Si kastaba Ardayda 70-ka gaarayay ee laga qaadey Puntland Waxbarashadana loo geeyey Magaalada Jigjiga ayaa xiliga ay hadlayeen waxaa ay ugu baaqeen Madaxda Dowladda Federaalka inay cabashadooda wax ka qabato.