Madaxweynaha Nigeria Oo ku Taliyay Dagaal ka Dhan ah Boko Xaaraam.

Madaxweynaha Dalka Nigeria Muhammadu Bukhari ayaa ku baaqay in ciidamada dalkiisa ay isku diyaariyaan dagaal ka dhan ah kooxda maleeshiyaadka ee Boko Xaaraam.

Madaxweynaha oo booqasho ku tagay magaalada Mayduguri ee xarunta gobolka Borno, oo dhacda waqooyiga-bari dalka Nigeria , halkaasoo ay ku sugan yihiin kooxda Boko Haram, waana goobaha ay inta badan ka sameeyaan dhaq dhaqaaqyada.

Sidoo kale Muhammadu Bukhari ayaa shalay khudbad ka hor jeediyay cutubyo ka tirsan ciidanka Nigeria, kuwaasoo dhawaan bilaabi doona Hawlgallo ka dhan ah kooxda maleeshiyaadka ee Boko Xaraam gaar ahaan,kuwa ku sugan gobolka Borno.

Madaxweynaha aya muujiyay sida uu u daneynayo in la soo afjaro dagaalka ka dhanka ah kooxa Boko Xaraam iyadoo la soo celinayo nabadda iyo dib u dhiska dhamaan goobihii ay dhibaatadu ka dhacday,

“Dagaalkan ma joogsan doono ilaa iyo inta nabad buuxda laga helayo Gobolka Borno”,ayuu yiri,Isaga oo la hadlaayey ciidamada amniga.