Madaxweynaha Faransiiska Oo Goob Fagaare ah Lagu Dharbaaxay.(Sawirro)

Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa la sheegay in labo nin ay wejiga kaga dharbaaxeen goob fagaare ah sida wararku sheegayaan.

Waxaa baraha bulshada dhex wareegaya Muuqaal Video ah oo muujinaya Madaxweyne Macron oo socod gaaban ku maraya qeyb ka mid ah dhismaha Drôme halkaasoo la sheegay in nin uu wejiga ka dharbaaxay madaxweynaha, waxaana ninkaas isku duubay askarta.

Macron ayaana meel gabaad ah loola cararay Labo in ayaa dhacdadaas loo xiray ka dib markii muuqaalka uu baahay, sida saxaafadda Faransiiska ay ku warramayaan.

Markii dharbaaxada ay ku dhacday madaxweynaha waxaa lagu dhawaaqay “ha dhoco macron”.

Siyaasiyiinta mucaaradka ku ah Macron ayaa iska fogeeyay in dhacdadaas ay lug ku lahaayeen.