Madaxwayne Waare Oo Shaqo joojin ku Sameeyay Wasiir Jabiyay Amar Looga Hortagayo Covid-19.

Madaxweynaha maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa shaqo joojin ku sameeyay Wasiir katirsan maamulkiisa iyo Gudoomiye Maxkamadeed oo jabiyay amarka xayiraada looga hortagayo faafitaanka Caronavirus.

Wareegto kasoo baxday Madaxweyne Waare ayaa shaqada looga joojiyay Wasiiru dowlihii Wasaaradda Dastuurka Hirshabeelle Saadaq Mukhtaar Cabdulle iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Sh/Dhexe Cali Cabdulle Nuur.

Xubnahan shaqada laga joojiyay ayaa lagu eedeeyay in ay jabiyeen amarkii horey usoo baxay ayna fureen goob ay bulshada isugu timaado xili horey maamulka u mamnuucay in bulshada ay isku timaado.