Madaxwayne Trump oo Shiinaha Weeraray.

Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump, weerar kale oo dhinaca afka ah ku qaaday shiinaha, waxana uu saxafiyiin u sheegay inuusan ku faraxsanayn sida uu Shiinaha u wajahay Coronavirus, isaga oo sheegay inuu u malaynayo in cudurka coronavirus faafiddiisa lagu joojin lahaa dalka Shiinaha.

“Kaliye hal dal ayaa masuuliyad ka saarantahay wixii dhacay,” Ayuu yiri madaxweyne Trump.

Dowladda Shiinaha ayaa dafirtay eedaymahaas, waxana uu ahaa Shiinahu wadankii ugu horeeyay ee caabuqan laga helay dabayaaqadii sanaadkii tagay ee 2019