Madaxwayne Diden Oo Saxiixay Qorshe Weerarkii 11 Septembar la Xiriirinaya Sacuudiga.

Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa saxiixay amar faraya hay’adda FBI-da inay kala shaandheyso dokumentiyada la xiriira weeraradii argagixiso ee dhacay 11-kii September, 2001.

Talaabadan ayaa taageero u ah qoysaska dhibbanayaashii weerarkaas oo muddo dheer raadinayay diiwaannada dhacdadaasi oo ay filayaan in laga heli doono ku lug ku yeelashada weerarkaas ee boqortoyada Sacuudiga.

Baaritaanno hore loo sameeyay ayaa lagu qeexay inuu xiriir ka dhexeeyay muwaadiniinta Sucuudiga iyo qaar ka mid ah afduubayaashii diyaaradihii weerarka lagu fuliyay, inkasta oo aan la xaqiijin in ay dowladda Sacuudigu wax lug ah ku laheyd.

Qoysaska dhibbanayaashii weerarkaas ayaa doonaya iney helaan cadeymo muujinaya inuu xiriir ka dhexeeyey dowlada Sacuudiga iyo qaar ka mid ah afduubayaasha dayuuradihii lagu fuliyey weeraradii 11 Sept, si ay magdhow lacageed uga helaan Sacuudiga.

(Visited 1 times, 1 visits today)