Madaxwaynayaasha Puntland Iyo Jubaland Oo Gaaray Dhuusamareeb.(Sawiro)

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, iyaga oo ka ambabaxay Magaalada Kismaayo.

Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa Madaxweyne Axmed Madoobe kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) iyo Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa iska soo hormariyay qaar kamid ah Ciiidamada kamid ah ilaaladiisa,kuwaas oo ka qeyb qaadan doona sugida amnigiisa.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana saacadaha soo socda la filayaa in uu ka furmo Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada.

Dhinaca kale wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa waxaa ay gaareen Magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, iyaga oo ka ambabaxay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.

Garoonka Diyaaradaha Ugaas Nuur ee Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa Madaxweyne Deni kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ( Qoor Qoor) iyo Xubno kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni oo maalmahaan ku sugnaa Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa uu xalay Dhuusamareeb, isaga oo hormariyay qaar kamid ah Ciiidamada kamid ah ilaaladiisa,kuwaas oo ka qeyb qaadan doona sugida amnigiisa.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ayaa aad loo adkeeyay,waxaana saacadaha soo socda la filayaa in ay Magaalada Dhuusamareeb uu tago Madaxweynayaasha Jubbaland si uu u furmo Shirka Madaxda Dowlad Goboleedyada.