Madaxwaynaha Galmudug Oo Cafis U Fidiyay Sargaal Hub kala soo Goostay Ahlu-sunna.

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) ayaa cafis u fidiyay Dhamme Nuurdeeq Ali Abdi faarax oo ka tirsan Saraakiisha Nabadsugida Soomaaliya balse Ahlusunna u goostay, haatana mar kale dib ugu soo laabtay Galmudug.

Nuurdeeq ayaa xalay kala soo goostay Kooxda Ahlusunnada hubeysan ee uu ka tirsanaa qori dhashiike ah, waxaana Madaxwayne QoorQoor sarkaalkan uu ku amaaney go’aanka uu qaatey.

Qoorqoor ayaa amray in sarkaalkan loo fasaxo mushaharkiisa.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa u balan qaaday in qof kasta oo Ahlusunna kala soo goosta hub loo fidinayo cafis.