Madaxii Xabsiyada Al-Shabaab Oo Jsku Dhiibay Dawlada Somaliya

Sida laga soo xigtay saraakiil ka tirsan sirdoonka Somalia hogaamiye sare oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa isku soo dhiibay dowladda Soomaaliya kaasoo Muqdisho la keenay maalmihii la soo dhaafay.

Cumar Heegan ayaa dhinaca xabsiyada u qaabilsanaa Al-Shabaab isagoo maamuli jiray dhammaan xabsiyada kooxdan ku leedahay degaanada Maamulkeeda hoos tago.

Sarkaalkan ayaa haatan lagu hayaa xarumaha Ciidanka Nabad sugida ku leeyihiin Magaalada Muqdisho oo si qarsoodi ahaa lagu keenay, waxaana lagu hayaa wareysiyo la xiriira dhinaca xogta uu ka hayo Alshabaab.

Ninkan oo ka soo jeeda degaanada Koonfur Galbeed ayaa xiriir hoose la soo sameeyey ciidanka NISA kuwaasoo u suurageliyey inuu ka soo baxsado Al-shabaab, welina ma jiro war dowladu ka soo saartay arrintiisa.