Machadka Daraasaadka Amniga Oo Laga Hirgaliyay Muqdisho

Sii hayaha Ra’iisul Wasaaraha dalka, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xarigga ka jaray machadka sare ee daraasaadka amniga oo ah hay’ad talciin sare oo dowladdu leedahay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska siihaya Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in Ujeedada machadka loo aasaasay ay tahay kobcinta heerka aqooneed, midka xirfadeed iyo ogaalka xubnaha laamaha amniga ee dowladda, iyo in hogaanka sare ee dalku ay helaan talo bixin iyo gorfeyn cilmiyeysan ee ku saabsan amniga qaranka.

Mahdi Maxamed Guuleed, waxuu sheegay in furitaanka machadkaan ay ka dhigantahay tillaabo weyn oo loo qaaday hagaajinta amniga dalka.

Sidoo kale Qoraalka ayaa lagu sheegay in Dowladda ay dadaal dheeraad ah gelisay horumarinta amniga dalka, isla markaana guul weyn laga gaaray dib-u-habeynta qeybta amniga dalka, arrintaas oo sahashay in deegaanna badan laga saaro Al-Shabaab.