Maamulka Koonfur Galbeed Oo Canbaareeyay Duqeyn Lagu Diley Dad Shacab ah.

Shalay gelinkii dambe ayaa mid kamid ah diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee laga leeyahay marekanka waxaa ay duqeyn la beegsadeen Gaari nooca Somaalida u taqaano Caasiga,kaas oo mareyey deegaanka Ugunji oo u dhow degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose,waxaana duqeyntaas ku dhintey dad la sheegay inay Shacab ahaayeen.

Duqeynta lala beegsadey Gaariga ayaa waxaa ku dhintey 4 Ruux oo Shacab ahaa oo saddex kamid ah la sheegay inay hal qoys kasoo jeedeen,kuwaas oo Caanka ah Goblka Shabeellaha Hoose laguna Magacaabo Reer Xaaji Xayeeysi.

Xildhibaan Mahad Dhoore oo kamid ah Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeyey Mareykanka in uu duqeyntaas ku diley dad rayid ah oo aan waxba galabsan,isla markaana aysan ka fikirin duqeymaha ay fulinayaan.

Xildhibaanka waxaa uu ka dalbadey inay jawaab deg deg ah ka bixiyaan waxyeelada ay geysatay duqeynta ay dadka rayidka ah ku dileen ee ka dhadey deegaanka Ugunji oo u dhow degmada Janaale ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Dadka duqeyntaas ku dhintey ayaa waxaa Magacyadooda lagu kala sheegay Cabdiraxmaan Cali Waadhoor,Maxamed Axmed Sheekh Isxaaq, Nin Oday ahaa o Magaciisa lagu soo gaabiyey iyo Darawalkii Gaariga oo lagu Magacaabi jiray Axmed Niic.

Si kastaba Mareykanka ayaa War uu soo saarey waxaa uu ku sheegay in duqeyn shalay Gelinkii dambe uu ka fuliyey degmada Janeele in uu ku diley Xubno ka tirsan Al-Shabaab,hayeeshee markii dambe la xaqiijiyey inay dad Shacab ah ahaayeen.