Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa galabta gaaray deegaannada Sange-jebiye iyo Saax-meygaag.
Ujeedada safarka Madaxweyne ku-xigeenka iyo wefdigiisa ayaa salka ku haysa sidii xal nabadeed oo waara looga gaari lahaa dirir soo noq-noqotay oo deegaamadaas ku dhexmartay laba beelood oo walaala ah.
Madaxweyne ku-xigeenka waxa deegaanka Sange-jebiye kusoo dhoweeyey qayb ka mida Isimada Puntland ee ku hawlan dhex-dhexaadinta beelaha walaalaha ah.
Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan Karaash oo la hadlay Odeyaasha iyo dadka deegaanka ayaa u sheegay inaanu ka tegi doonin deegaanka illaa xal waara laga gaarayo, maadaama ay dirirtu soo noq-noqotay, sidoo kale aan la aqbali karin in dagaal kasii socdo Saax-maygaag iyo Sange Jebiye Dowladduna ay qaadan doonto doorkeeda kama dambaysta ah ee lagu raadinayo nabadda iyo xasiloonida deegaanka.
Ugu dambayn Madaxweyne ku-xigeenka iyo wafdigiisa ayaa caawa ku hoyday deegaanka Saax-maygaag.