M/Deni Oo Kormeeray Dibu-dhiska ka Socda Wadada Isku-xirta Garoowe Iyo Laascaanood.(Sawirro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta kormeeray Wadada isku xirta Garoowe iyo Laascaanood, oo uu ku socdo dayactir.

Deni ayaa warbixin ka dhegaystay Masuuliyiinta Dowladda ee shaqadan gacanta ku haya iyo Injineerada Shirkadda dhisaysa, oo uu maanta kula kulmay deegaanka Buura-wadal oo hadda dayactirka Wadadu marayso.

Dhinaca kale, Deni oo gaaray degmada Burtinle ayaa kulan la qaatay Masuuliyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada degmadaas.

Kulanka oo ahaa is-xogwareysi ayaa Madaxweynuhu warbixin uga dhegaystay qeybaha kala duwan ee Bulshada oo Madaxweynaha uga mahadceliyay waxaqabadka taabagalay ee uu Puntland ka hirgeliyay sida Dhismaha Ciidamada, Hirgelinta Dimuqraadiyadda, dib-u-habeynta maaliyadda iyo dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha Puntland.

Madaxweynaha ayaa Bulshada degmada Buurtinle ku boggaadiyay dadaalkooda ku aadan ka qeyb qaadashada dowladnimada iyo horumarka, sida isku tashiga ay uga qeyb qaateen dhismaha Wadada laamiga ah ee isku xirta Degmada iyo Gobollada kale.

Madaxweynaha oo ka jaawabaya baahiyaha kooban ee ka jira Degmada, ayaa faray Masuuliyiinta ay khuseyso in dhakhso degmada loo keeno Gaari Booliis oo uu yeellanayo Saldhigga Degmada.