M/Deni Oo kala Diray Golaha Deegaanka Qardho Magacaabay-na Maamul Cusub(Akhriso)

Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 27 ee 12ka September 2021, kuna saabsan magacaabid Guddoomiyaha Gobolka Karkaar.

Deni ayaa Cabdi Siciid Cismaan u magacaabay Guddoomiyaha Gobolka Karkaar.

Sidoo kale, Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 26 ee 12-ka September 2021, kuna saabsan kala dirid Golaha Degaanka Degmada Qardho iyo Magacaabid Guddoomiye iyo Guddoomiye Ku-xigeen Degmada Qardho.

Waxaa Maxamed Faarax Abdiseed (Buraale) si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiyaha Degmada Qardho halka Maxamuud Maxamed Ciise si ku meel gaar ah loogu magacaabay Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Qardho” ayaa lagu yiri wareegto ka soo baxday.

Arrintan ayaa ku soo beegantay xili maalmaha soo socda degmada Qardho ay ka dhaceyso doorasho qof iyo cod ah oo lagu soo dooranayo golaha degaanka degmadaas taasoo ah mid tijaabo ah.