M/Deni Oo Isku Shaandhayn ku Sameeyay Golihiisa Wasiirada.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 19 ee 30ka March 2022 kuna saabsan magacaabid iyo isku bedel xubnaha Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.
Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay:  Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80aad faqradiisa 5aad.
Marku arkay:  Aqoontooda, kartidooda iyo waayo aragnimadooda    shaqo.

Markuu tixgeliyey:  Baahida loo qabo dhammaystirka Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland.
Markuu garawsaday:  Shaqada baaxadda weyn leh ee shacabka Puntland ka sugayo xukuumadda.
Marku la tashaday:  Madaxweyne Kuxigeenka Dowladda Puntland  Wuxuu Xeeriyey:
Magacaabidda iyo isku bedelka xubnaha Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo ka kooban, Wasiiro, Wasiir kuxigeeno iyo Wasiiru Dowlayaal, waxayna kala yihiin:-

Isku bedel Wasiiro:

Waxaa Cabdiraxmaan Caydiid Ibraahim loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Shaqada, Shaqaalaha, Dhalinyaradda & Ciyaarah

Waxaa Cabdullaahi Cabdi Xirsi loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyin

Waxaa Axmed Shire Siciid loo bedelaya Wasiirka Wasaaradda Beeraha


Magacaabid:

Waxaa Jamaal Carab Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga.

Waxaa Dr. Naciimo Cabdiraxmaan Guuleed loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska.

Waxaa Dr. Carshe Maxamed Siciid Aw-muuse loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha.

Waxaa Maxamed Cabdullaahi Axmed (Libaaxe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

Waxaa Cabdalle Cali Maxamed (Xashaawe) loo magacaabay Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Maalgashiga.

T) Wasiir Kuxigeeno :
Bedel

Waxaa Faa’iso Cali Ismaciil loo bedelaya Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Beerah
Magacaabid :

Waxaa Laylo Cabdi Cali loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka

Waxaa Aamino Maxamed Cabdullaahi loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Haweenka

Waxaa Cali Cumar Caarshe loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Maaliyad

Waxaa Mukhtaar Cabdisalaan Suleymaan loo magacaabay Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada

Waxaa Qaasim Maxamed Yuusuf loo magacaabay Wasiirka Kuxigeenka Wasaaradda Dekeddaha

Waxaa Cabduqaadir Maxamed Suleymaan loo magacaabay Wasiirk Kuxigeenka Wasaaradda Tamarta

J) Wasiiru Dowlayaal :

Waxaa Shaakir Maxamed Guuleed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Qorshaynta

Waxaa Axmed Maxamuud Maxamed (Barile) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Shaqada iyo shaqaalaha

Waxaa Nuur Sheikh Daahir Sheikh Nuur loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha

Waxaa Axmed Ibraamin Cawaale loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare.

Waxaa Cabdinaasir Aadan Gows loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda

Waxaa Mustafe Cabdifitaax Maxamed loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Xanaanada Xoolaha.

Waxaa Cabdiqani Maxamed Cabdi Ciise loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Ganacsiga

Waxaa Yuusuf Axmed Maxamuud (Barre Faatax) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Tamarta, Macdanta & Biyaha

Waxaa Maxamuud Ismaaciil Jaamac (Ciyoon) loo magacaabay Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Howlaha Guud, Gaadiidka iyo Guriyaynta.
Xeerkani wuxuu dhaqan geleyaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.
 
DHAMMA