Lax Lagu Xukumay Saddex Sano Oo Xarig ah Markii ay Herti ku Dishay Haweenay!

Maxkamad maxalli ah ayaa saddex sanadood oo xarig ah ku ridday neef ido ah oo lagu helay inay dishay haweeney ku sugneyd meel garoon ah, Sida ay baahisay warbaahinta Eye Radio ee South Sudan.

Booliska South Sudan ayaa sheegay in horaantii bishan uu Neefka idaha ah hardi ku weeraray haweenayda iyadoo feeraha ka jajabisay, waxaana ay sheegeen in haweeneydu ay markii dambe u dhimatay dhaawacyadii soo gaaray.

Neefkan ayaa lagu xiray South Sudan waxaana marka ay dhammaysto xabsiga lagu qasbayaa inay la noolaato qoyska dhibbanaha.

Sida lagu baahiyay warbaahinta NDTV, maxkamad maxalli ah ayaa sidoo kale xukuntay in ninkii lahaa neefkaasi idaha ah, Duony Manyang Dhal, ay tahay inuu bixiyo shan sac oo la siiyo qoyska dhibbanaha.

Lama oga ayuu raadiyuhu sii raaciyay in neefkaasi idaha ah uu ka qoomameeyay falka dambiga ah ee ka dhacay.

(Visited 2 times, 1 visits today)