Laftagareen Oo Odayaasha Dhaqanka K/Galbeed kala Hadlay Xulista Baarlamaanka Labaad.(Sawiro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Maanta Magaalada Baydhabo waxaa uu kulan kula qaatay Odeyaasha Dhaqanka Koonfur galbeed,kaas oo looga hadlay soo xulista Xildhibaanada Barlamaanka 2aad ee Koonfur Galbeed.

Kulanka ayaa waxaa lagu lafa gurey soo xulista xildhibaanada iyo dardar gelinta sidii loo raaci lahaa Cutubka 3aad, Qodobkiisa 37aad Farqadiisa 2aad ee Daatuurka KG oo ku qoran in Xildhibaanada Barlamaanka Koonfur Galbeed ay ahaadaan tiro ahaan 95 Xildhibaan.

Qaar kamid ah Odeyaasha Dhaqanka oo ka hadlay kulanka ayaa uga mahad celiyey Madaxweynaha Dowlad Goboleedka KGS  sida marwalba uu la tashi u siinayo Odeyaasha Dhaqanka ,waxaana ay soo dhoweeyeen in Xildhibaanada barlamanka kg laga Dhigo 95 Xuldhibaan halka hore ay u ahaayren 149 Mudane.